Puntland oo Joojisay Dhaqdhaqaaqa Gaadiidka ee Degmooyinka iyo Gobolada

Published: April 18, 2020

Amar ka soo baxay taliska booliiska Puntland ayaa lagu mamnuucay isku socodka gaadiidka dadweynaha ee u kala goosha degmooyinka iyo goboladda Puntland

Qoraal ka soo baxay taliska booliiska oo ku saxiixnaa Taliye ku xigeenka Booliiska Puntland Sarreeye Guuto Bile Faarax Cali ayaa ciidamada booliiska lagu amray inay dhaqan geliyaan amarkan, islamarkaan joojiyaan dhaqdhaqaaqa gadiida, cidiid ku xadgudubtana tallaabo sharci ah laga qaado

” laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 18/04/2020 waxaa la mamnuucay dhammaan isu socodka gaadiidka u kala safra goboladda iyo degmooyinka Puntland oo dhan, bixid, iyo gelidba si loo xakameeyo Faryiska Covid-19″ Sidaas waxaa lagu yiri

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *