Dadka u dhintay Covid-19 oo Korodhay Calaamka oo idil.

Published: April 19, 2020

Dadka u dhintay cudurka Coronavirus guud ahaan caalamka ayaa gaadhay 160,000 kun qof, halka tirada uu ku dhacay cudurkuna ay gaadhay labo milyan iyo saddex boqol oo kun (2,320,456 milyan)

waxaa cudurka kasoo kabtay ama ka caafimaaday 600,000 caalamka oo dhan sida lagu sheegay tirakoobyadii ugu dambeeyay ee ay soo saareen Jaamacadda Johns Hopkins iyo mareegta “World Meter” oo labaduba ku takhasustay la-socodka cudurka Coronavirus.

Dalka Mareykanka ayaa ugu horeeya liisaska dalalka ugu badan ee cudurka Crona uu ku faafay wuxuuna layay in ka badan 39,015 kun oo qof, dad ka badan 738,923 kun ayuu ku dhacay. Dalka Talyaaniga ayaa isaguna galay kaalinta labaad waxaana cudurkan ugu dhintay 23,227, Spain oo gashay kaalinta saddexaad waxaa Crona ku laayay 20,639 kaalinta afaraad waxaa ku jira dalka Faransiiska oo cudurka dhibaateeyey 19,323 sidoo kale kaalinta shanaad waxaa joogta Dawldda Britain isagoo laayay 15,464.

Fayraska Corona ayaa markii ugu horreysay bishii Diseembar ee sanadkii hore ee 2019, si aysan bulshadu ka warqabin uga dillaacay magaalo ganacsiga dalka Shiinaha ee wuhan sidoo kalena ah caasimadda gobolka Hubei, cudurkaas oo xiligan si aan xad lahayn ugu faafay dunida oo dhan.

Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa dhowaan sheegtay inay tijaabo ku jiraan saddex tallaaal oo la damacsan yahay in lagu soo afjaro faafitaanka iyo khatarta Crona Virus, valse arrintaasi ilaa hadda ma aha mid si rasmi ah loo ogaan kar.

Baaritaan Ku Samaynayaan Cidda Ka Danbaysay faafitaanka Covid-19

Dhinaca kale, Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa si toos ah u sheegay inay qayb ka noqonayaan baaritaan lagu sameeyo cidda ka danbaysay in cudurka Crona Virus uu dunida ku faafo isla markaana uu laayo dad fara badan caalamka oo dhan.

Trump wuxuu sheegay in haddii Dawladda Shiinaha lagu caddeeyo inay ka danbaysay faafitaanka cudurka Crona ay tahay in tallaabo adag iyo ciqaab culus laga qaado  qaaddo arrintaas oo noqon doonta mid hor taalla caalamka oo dhan.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa si gaar ah ugu hanjabay in Dawladda Maraykanku ay  ciqaabi doontoo Shiinaha haddii la caddeeyo inay si ula kac ah u faafisay fayraska Corona, maadaama cudurkaasi uu dhibaatadii ugu darnayd u gaystay dalka Maraykanka.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *