Maydadka 44 Maxaabuus Oo Laga Helay Xabsi Ku Yaal Wadanka Jaad

Published: April 19, 2020

Maydadka 44 maxbuus oo ka tirsanaa kooxda Xagjirka ah ee Boko Xaraam ayaa laga helay xabi ku yaal Wadanka Jaad ee bartamaha qaarada Afrika

Youssouf Tom oo aha xeer ilaaliyaha guud ee wadanka jaad ayaa xaqiijiyay in maxaabiistan la helay iyagoo mayd ah qolkii ay ku xirnaayeen maalintii khamiistii ee toddoobaadkii hore.

Baaritaan lagu sameeyay sababta keentay dhimashadooda ayaa lagu ogaaday walxo sun ah sababay inuu wadnahoogu istaago taasi oo keentay inay geeriyoodaan.

44 Maxbuus ee dhintay ayaa qayb ka ah 58 qoqf oo lagu tuhumsanaa inay ka tirsanaayeen ururka Kooxda Bokor Harar, kuwasoo lagu soo qabqabtay howlgalo milateri oo bishii March uu amaray madaxweynaha Jaad Idiris Deby

Sarkaal magaciisa qariyay oo la hadlay wakaaladda AFP waxa uu sheegay in 58 maxbuus la isugu geeyay Hal qof, muddo labo maalmood ah aan la siin wax cunto ah

Dowladda Jaad waxay beenisay eedaha loo soo jeediyay ee ahaa in si bani’aadanimada ka baxsan ay ula dhaqmeen maxaabiista. Wasiirka cadaaladda Djimet Arabi wuxuu AFP u sheegay inay baarayaan sunta laga helay calooshooda inay ahayd dil wadareed ay sameeyeen iyo in wax kale tahay.

Wasiirku wuxuu intaas ku. daray in weli socdo baaritaanka lagu ogaanayo sida ay u dhinteen.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *