Puntland oo Xaqiijisay Qofkii u horreeyay ee Qaba Covid-19

Published: April 19, 2020

Dowladda Puntland ayaa maanta si rasmi u xaqiijisay kiiskii u horreeyay ee cudurka Coronavirus ee laga helo gudaha Puntland.

Guddigu wacyi gelinta u qaabilsan Puntland oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Garoowe waxay sheegeen in qofka laga helay Covid-19 uu ka mid ah labo qof oo looga shakiyay cudurka oo baaritaanka dhowaan laga qaaday, qofka kale ayaa isaga laga lawaayey. 

Muwaadinka laga helay Covid-19 ayaa aha nin 33 jir ah oo ku sugan caasimadda Garoowe, wax safar ah aan dalka dibadiisa ugu bixin, taasi oo muujinaysa in dad kale u keeneen sida ay sheegeen guddigu.

Guddigu wuxuu kaloo sheegay in 5qof oo cusub la karantiilay maanta oo ay taariikhdu tahay (19 April 2020), dadkaasi oo baaritaan laga qaadi doono.

Dhinaca kale, Guddiga waxay maanta booqdeen xarun loogu talagalay in la dhigo shaybaarka lagu baarayo xanuunka Covid-19.

Tirada guud ee uu cudurku ku dhacay Somaliya ayaa gaadhay 164 qof, iyadoo tirada dhimashada ayaa ah 7 qof.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *