Xaalad Degdeg ah Oo La Geliyay Galkacayo

Published: April 19, 2020

Guddoomiyaasha Gobolka Mudug ee Puntland iyo Galmudug Axmed Muuse Nuur iyo Cabdiraxmaan Cali Diiriye oo maanta shir ku qabtay Gaalkacyo ayaa si wadajir u sheegay in xaalad deg deg ah la galiyay magaalada Gaalkacyo gaar ahaan goobaha la isugu yimaada si looga fagaado cudurka COVID 19

Shirkooda ayay ku sheegeen in caawa laga bilaabo bandow lagu soo rogayo Gaalkacyo shacabkuna u hogaansamaan amarada ka soo baxay Madaxweynayaasha Galmudug iyo Puntland ayna fulinayaan Maamulka Gobolka Mudug.

Bandowga ayaa ah mid bilaabanaya caawa 8:00 pm kuna eg 5:00 am, kaasi oo looga gol’leeyahay in lagu yareeyo isu imaatanka bulshada goobaha ay ku badanyihiin

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *