Dad Badan oo Ku Dhintay Dagaalo Ka Dhacay Waqooyiga Nigeria

Published: April 20, 2020

Ugu yaraan 47 qof ayaa ku dhintay dagaalo ka dhacay dhowr magaalo ku yaal waqooyi galbeed ee wadanka Nigeria

Gambo ciisa oo ah taliyaha ciidamada booliiska ee gobolka Katsina ayaa warbaahinta u sheegay in kooxo hubaysan oo aan haybtooda la aqoon ay weeraro ku qaadeen goboladda Dutsinma, Dan Musa iyo Safana

Wuxuu sheegay in weeraradaasi ay sababeen dhimashada 47 qof iyo dhaawac dad badan oo lagu dabiibayo cusbitaalada, waxaa kaloo uu sheegay in weeraradaasi ay burbur xoog leh gaarsiiyaan hanti badan oo ay ku jiraan dhismayaal

Warbaahinta maxaliga ah ayaa tebisay in weerarkan uu ahaa mid aargoosi ah oo ay soo qaadeen mid ka mid ah labada Qabiib ee Fulani iyo sedentary oo badanaa ku dagaalama daaqa iyo biyaha.

Dhinaca kale, Afhayeen u hadlay wasaaradda Gashaandhiga ee Nigeria John Enench ayaa sheegay in howlgal ay ciidamadu ka fuliyeen gobolka Yobe ay ku dileen 10 Dagaalyahan oo ka tirsan ururka xagjirka ah ee Boko Xaram, waxaa kaloo uu sheegay inay gacanta ku dhigeen hub iyo saanad ay wateen kooxdaasi

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *