Danab oo howlgal ka fuliyay degaanno hoostaga Magaalada Kismaayo.

Published: April 20, 2020

Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya, Guutada 16-aad Ururka 5-naad Ee Kumaandooska Danab ayaa howlgal Ka fuliyay tuulooyinka Cabdi Dhore iyo Beerxani oo qayaasti 50 (KM) dhanka galbeed kaga beegan magaalada Kismaayo.

Ciidanka ayaa Qasaaro u geystay Maleeshiyaad Al-shabab kusoo oo la sheegay in ay dhibaatooyin ku hayeen shacabka xoolo dhaqatada ah ee dagan tuulooyinkaas iyo nawaaxigooda sida ay baahisay Wakaalada Sonna. Bulshada deegaanka ayaa si weyn usoo dhaweeyay ceedimada Danab ee la wareegay gacan kuhaynta Cabdi Dhoore iyo beerxaani.

Horseed Medai 2020

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *