DFS Ayaa Deeq Caafimaad Kala Wareegtay Maraykanka

Published: April 20, 2020

Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa deeq caafimaad kala wareegtay dowaldda Maraykanka, deeqdaoo  loogu talagalay in lagula tacaalo xanuunka COVID-19  oo dhibaato ku haya caalamka.

350 sariirood, firaashyo iyo qalab kale oo looga hortagayo xanuunka Coronavirus ee dhibaatada ku haya caalamka ayey ka koobantahay, taasi oo kaalin weyn ka qaadaneysa xakamenta cudurka, waxaana dowladda Mareykanka ay usoo marisay hey’ada USAID oo ka mid ah hey’adaha caawiya Soomaaliya.

Mukhtaar Yuusuf Cirro oo ka mid ah masuuliyiinta hey’adda Mareykanka ee arrimaha gar gaarka oo ku wareejiyay deeqan Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay inay tahay mid loogu talagalay inay dowladda Soomaaliya kaga hortagto cudurka COVID-19.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Dowladda Soomaaliya Dr.Fowsiya Abiikar Nuur oo qabaka la wareegtay ayaa uga mahadcelisay hey’adda USAID oo deeqada soo gaarsiisay, waxaana ay tilmaamtay in Wasaaraddu ay ku howlantahay sidii loo xakameyn lahaa xanuunka.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *