Erdogan iyo Trump oo ka Wada Hadlay Dagaalka Covid-19

Published: April 20, 2020

Wakaaladda Wararka Turkiga iyadoo soo xiganaysa bayaan kasoo baxay aqalka cad ee Maraykanka waxay sheegtay in madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu khadka telfoonka kala hadlay dhigiisa Turkiga Recep Tayyip Erdogan isla markaana ay isla soo qaadeen qaababka ay labada dal isaga kaashan karaan la dagaallanka iyo soo afjaridda cudurka dunida saameeyey ee Corona Virus.

Kulankooda dhinaca telfoonka oo qaatay mudo dheer waxay sidoo kale kaga wada hadleen in cudurkani uu hoos u dhac dhaqaale ku keenay dunida oo dhan isla markaana ay muhiim tahay inay ka wada shaqeeyaan tallaabooyin lagu soo noolaynayo dhaq-dhaqaaqyada dhaqaalaha adduunka gaar ahaan labada dale e Maraykanka iyo Turkiga.

Bayaanka kasoo baxay aqalka cad ee Maraykanka waxaa lagu tilmaamay in Erdogan iyo Trump ay sidoo kale ku balameen in lasii xoojiyo xiriirka laba geesoodka ah ee ka dhexeeya labada dal, sidoo kale waxay ka hadleen dhowr arrimood oo ku saabsan xaaladaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah kuwaas oo aan lagu sheegin bayaanka.

Labada Madaxweyne waxay sidoo kale ku heshiiyeen in ay joogteeyaan xiriirka dhinaca taleefanka inta ay taagan yihiin xaaladaha adag ee dunida kusoo kordhay iyo sidii looga hor tagi lahaa khatarta iyo masiibada ka dhalatay cudurka Corona Virus.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *