Laftagareen oo Muddo Kordhin Loo Sameeyay

Published: April 20, 2020

Barlamaanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa muddo kordhin hal sano ah u sameeyay Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya C/casiis xasan Maxamed  Laftagareen.

87 xildhibaan oo maanta kulanka soo xaadirtay ayaa si gacan taag ah isugu raacay in muddo xileedka Madaxweynaha iyo Barlamaanka hal mar wakhtigooda ku egyahay oo ay isla dhacayaan.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa mudadii la doortay waxaa ka soo wareegatay sanad iyo dhowr bilood balse afartiisa sano iyo tan barlamaanka ayaa la is waafajiyey.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *