Beesha Caalamka oo gar-gaarkii ay Soomaaliya siinaysay u weecinaysa la dagaalanka Covid-19.

Published: April 21, 2020

Waxaa shir wada-yeeshay Raysal-wasaaraha DFS iyo madaxda midawga yurub kaas oo ku dhacay habka Onlineka ah, laada dhinac ayaa si wayn u lafa guray xaalada guud ee Soomaaliya, Gaar ahaan Arimaha Amaanka la dagaalnak caabuqa Covid-9 iyo xoriyadda Hadalka.

Qoraal ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul wasaaraha, ayaa lagu sheegay in mudane Khayre uu mas’uuliyiinta kulanka qaybta ka ahaa ku war geliyay in dowladda Soomaaliya ay dooneyso in dhammaan barnaamijyadii qorsheysnaa ee dowladda lagu caawinayay loo leexiyo wax ka qabashada cudurka halista ah ee COVID-19 iyo caawinta dadka nugul ee saameynta ay ku yeelanayaan tillaabooyinka lagu xakameynayo cudurka.

Khayre ayaa safiirrada u sheegay in la joogo xilligii caawinta baahida ugu badan loo qabay, ayna muhiim tahay in sida ugu dhaqsaha badan dowlad gobaleedyada dalka looga dhiso min hal Isbitaal oo awood u leh la tacaaliida bukaannada uu haleelo COVID-19.

Safiirrada iyo wakiillada hey’adaha caalamiga oo bogaadiyay dadaallada dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka ee ku wajahan la tacaalidda xanuunka Coronavirus ayaa ballan qaaday in dhammaan qorshayaashii howl-gallooda dalka ay u weecinayaan xakameynta COVID-19 iyo caawinta qoysaska danta yar ee Soomaaliyeed.

Wakiilka Midawga yurub ayaa qoraal uu dhankiisa barta Twitterka ku qoray ku sheegay in Raysal-wasaare Khayre ay kala hadleen sidii loo ilaalin lahaa xuquuqda weriyaayasha iyo warbaahintaba ” Farriinta EU waa iska caddahay. Is-dhaleeceynta waa qeyb ka mid ah dimuqraadiyadda. Haddey weriyaashu xitaa khalad galaan, marna xalku ma’ahan in la xiro” ayuu yiri Amb. Nicolas Berlanga

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *