Gaari laga dhacay wadada isku xirta Qardho iyo Garoowe oo dib loosoo celiyay.

Published: April 21, 2020

Rag shufta ah ayaa xalay wadadda laamiga ah ee isku xirta Qardho iyo Garoowe ka leexsaday gaari nooca xamuulka ah, Ragaan ayaa gaariga ka dajiyay dadkii saarnaa waxayna ula leexdeen xagga baadiyaha ah.

Ciidamada Dawlada ee Qaybta Gobolka Karkaar iyo Degmada Qardho oo uu weheliyo Maamulku ayaa hawl-gal sameeyay saaka waxayna ku guuleysteen in laga daba-taggo dibna gaarigga loosoo celiyo, Sidoo kalena ciidàmadu waxay soo qabteen 3 ka mid ah dadkii gaariga dhacay. Hubkii Iyo baabuurtii ay wateen.

Taliye ku xigeenka Qaybta Gobolka Karkaar Jaamac Cusmaan Dhalac, Taliyaha Madaxtooyda Qardho Cabdifataax Warsame Hiirad iyo Gudoomiyaha Degmada Qardho oo hawl-galkaan hogaaminayay ayaa shir ay ku qbateen Qardho waxay ku sheegeen in si guul ah uu hawlgalkaas kusoo dhamaaday, sidoo kalena dadkii wax gaystay lasoo qabtay cadaaladana ay mari-doonaan.

Sidoo kale, Saraakiisha ayaa u mahadceliyay Ciidanka Booliiska Gobolka Karkaar, oo u hawlgalay in ay soo bad-baadiyaan Gaarigaas Xamuulka ah iyo dhammaan ALaabtii saarnayd.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *