Muqdisho: 73 Qof oo Cusub oo Laga Helay Coronavirus

Published: April 21, 2020

Dowlada federaalka ee Somaliya ayaa shaacisay in 24 saac ee la soo dhaafay ay diiwaangaliyeen 73 qof oo cusub oo laga helay cudurka Coronavirus

Warbixin ay soo saartay Wasaarada Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada xukuumadda federaalka Soomaaliya waxaa lagu sheegay in mid ka mid ah dadkii laga helay cudurka uu geeriyooday, mid kalena uu ka caafimaaday

“73 qof ee laga helay cudurka, 51 qof oo rag, 22 waa haween” sidaas waxaa lagu yiri yiri warbixinta ay soo saartay wasaaradda caafimaadka Federaalka

Tirada guud dadka Somaliyeed ee cudurku soo ritay waxay ka dhigaysaa 237 qof.

Dhinaca kale, Wasaaradda Caafimaadka Puntland ayaa sheegtay in labo qof oo looga shakiyay cudurka coronavirus la karantiilay, sidoo kalena ay jirin cid laga helay cudurka covid-19.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *