Bandawgii Saarnaa Muqdisho oo Isbedel lagu Sameeyay

Published: April 22, 2020

Dowladda federaalka ee Somaliya ayaa sheegtay in Laga bilaabo habeenka ugu horreeya ee bisha Ramadaan, Bandowga xilliyadda habeenkii saarnaa magaalada Muqdisho ayaa muda hal saac ah laga soo horumariyay xilligii hore.

Bandawga waxuu bilaaban doonaa 7:00 Fiidnimo, waxuuna ku ekaan doonaa 5:00 Arroornimo.

“Si sare loogu qaado dadaallada xakameynta faafitaanka COVID-19, milkiilayaasha Makhaayadaha waxaa la farayaa inay makhaayadaha furan 5:00 Galabnimo, adeeggoodana u baddelaan Qaado oo soco (Take Away), ayna xiraan 7:00 Fiidnimo” Sidaas waxaa yiri Taliyaha Booliiska Soomaaliyeed, Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed (Xajaar)

Taliyaha oo warbaahinta la wadaagay amarrada kasoo baxay dowladda ee qaybta ka ah xakameynta faafitaanka COVID-19, ayaa gaadiidka dadweynaha iyo gawaarida gaarka loo leeyahay faray inay yareeyaan dadka ay markiiba qaadaan oo ku ekeeyaan kala bar tirada dadkii markii hore ay qaadi jireen, dakana kala fogeeyaan.

Waxaa sidoo kale la mamnuucay in xilliyada oo dhan la fariisto makhyaayadaha iyo goobaha kale ee la isugu yimaado. Dhammaan ammarradii hore ee ku xeernaa bandowga waa sidoodii marka laga reebo wax ka bedelka lagu sameeyay waqtiga uu billaabmayo.

https://www.facebook.com/OPMSomalia/videos/663772997794952/

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *