DFS oo warbixin kasoo saartay rag miino ay aaseen ay ku qaraxday.

Published: April 22, 2020

Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa warbixin kasoo saartay Qarax la sheegay in uu galaaftay ragii gacanta ku hayay, qaraxaan ayaa la sheegay in uu nooca miinada dhulka lagu aaso, waxaana la gelin rabay waddo ku taalla  Isgoyska degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir.

Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya, ayaa xaqiijisay in mid kamid ah raggii aasayay miinadaasi uu ku dhintay isla qaraxa,halka laba kalena la qabtay, kuwaasi oo dhawac uu ka soo gaaray falkii ay maleegayeen.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale cambaaraysay falka  noocaas ah ee fuleynimada ah waxaana ay boogaadisay ciidankii ka hawlgalay soo qabashada raggaas.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *