Itoobiya iyo Somaliland Oo Ka Wadahadlay Xakameynta Covid 19 ee Xuduuda

Published: April 22, 2020

Maamulka Somaliland iyo Dawladda Federaalka Itoobiya ayaa magaalo xudduuda ku taalla ee Wajaale kaga shiray sidii wadajir la iskaga kaashan lahaa xakamaynta fiditaanka Xannuunka Covid19.

warbixin ay maanta shirkaas ka qortay Wakaaladda Wararka Itoobiya ee ENA ayaa lagu sheegay in Somaliland iyo Itoobiya ay wadajir uga hawlgaleen  ka hortagga Xannuunka Covid 19.

ENA waxay sheegtay in Taliyaha Ciidanka Millatariga qaybta Bariga Itoobiya Gen. Sewdu Belay iyo Taliyaha Ciidanka Qaranka JSL Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani, ayaa ka qaybgalay shir ay maanta iskugu yimaadeen Magaalada Wajaale Saraakiisha ciidammada iyo maamulka degmada Wajaale ee labada dawladood, waxana shirkaasi lagu falanqeeyey sidii looga hortagi lahaa in xannuunkaasi ku fido Somaliland iyo Itoobiya.

Taliye Belay ayaa sheegay in  shacabka Somaliland iyo Itoobiya ay muddo dheer ahaayeen labada ummaddood oo iskaashi ku wada noolaa,wuxuuna caddeeyey in labada dhinac ay qaadeen tallaabooyin lagaga hortagayo inuu xannuunka Covid 19 iskaga gudbo xudduudaha.

Gen. Sewdu Belay wuxuu sheegay in wixii cabasho ah ee ka dhasha tallaabada lagu joojiyey inay labada shacab iskaga gudbaan soohdimaha ay tahay masuuliyad u baahan inay xaliyaan maamulka labada dhinac ee  degmada Wajaale.

Taliyaha Ciidanka Somaliland Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani, ayaa sheegay in cudurka Coronavirus uu waxyeelo ku yahay horumarka dalalka soo koraya, waxaanu ammaanay dedaalka ay dawladda Itoobiya qaaday ee ay ku xakamaynayso xannuunkaas.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *