Puntland oo Maanta Karantiishay Dad Looga Shakiyay Covid-19

Published: April 22, 2020

Dowladda Puntland ayaa maanta sheegtay inay karantiishay 7 qof oo looga shakiyay inay qabaan cudurka Coronavirus

Guddiga diyaar-garowga iyo ka hortagga ee Covid19 ayaa sheegay in dadka la karantiilay lagu sameeyay baaritaan lagu ogaanayo inay qabaan cudurka iyo in kale

“wuxuu ku wargelinayaa Bulshadda in todobo (7) qof oo looga shakiyey caabuqa COVID-19 la karantiiley maanta oo ay taariikhdu tahay 22-ta April 2020. Waxaa laga qaaday baaritaankii maanta, jaawaabta waxaa la sugayaa sida ugu dhaqsaha badan si loo ogaado in ay qabaan caabuqa COVID 19 iyo in kale”

Dhinaca kale, Guddigu wuxuu sheegay im qof looga shakinsanahay inuu qabo cudurka coronavirus uu ku geeriyooday degaamada Puntland, qofka dhintay ayaa lagu sameeyay baaritaan, waxaana dowladda sheegtay in la sugayo natiijada baaritaankiisa

Guddigu waxay kaloo maalintii shalay ku dhawaaqeen inay karantiilay 9 qof oo looga shakiyay inay qabaan cudurka Coronavirus.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *