Deni oo Ummada Ugu Hambalyeeyay Curashada Bisha Ramadaan

Published: April 23, 2020

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi ayaa shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan shacabka Puntland ugu hambalyeeyay curashada bisha Ramadaan oo bilaabanaysaa Beri oo Jimce ah

Madaxweynuhu wuxuu ummadda Somaliyeed ilaahay uga beryahay inuu waafajiy raxmada iyo khayrka bisha Ramaan, waxaana uu ugu baaqay bulshada Somaliyeed meel kasta oo ay joogaan in ay is cafiyaan

“Ramadaan waa bishi ummada Muslimiintu meel kasta oo ay joogaan ay is cafin jireen isu ducayn jireen, wanaag iyo khayrna isku dardaarmi jireen

Madaxweynuhu wuxuu ummadda Somaliyeed ilaahay uga baryay inuu ka dulqaado xanuunka halista ah ee Covid-19 kaasi oo saamayn nololeed iyo mid dhaqaale ku yeeshay guud ahaan degaamada Soomaalida.

Dhinaca kale, Dowladda Puntland waxay si rasmi ah ugu dhawaaqday in maalinta beri ah ay tahay Ramadaan.

https://www.facebook.com/plstatehouseofficial/videos/226295872119690/

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *