Khayre Oo Soomaalida Ugu Hambalyeeyay Curashada Bisha Ramadaan

Published: April 23, 2020

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay bilashada bisha barakeysan ee Ramadaan, ayaa Allah ka baryay in cudurka halista ah ee COVID-19 ii ummadda ka dul qaado.

“Bishaan aan uga faa’iideysanno Allah inaan u dhawaanno, aan uga faa’iideysanno inaan cudurkaan ka wada hor tagno”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku baaqay in dadka Soomaaliyeed is cafiyaan, lana gargaaro dadka danta yar ee caawimaadda  u baahan.

HORSEEDMEIDA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *