Muqdisho:2 qof ayaa maanta u dhintay Cudurka Covid-19.

Published: April 23, 2020

Laba qof ayaa maanta u dhimatay cudurka dunida kusii faafaya ee Carona sida ay xaqiijisay wasaarada Caafimaadka Dawlada federaalka ah ee Soomaaliya.

Wasiirada Caafimaadka DFS Drs Fawsiya abiikar oo akhrisay warbixinta Maalinlaha ah waxay sidoo kale sheegtay in 41 qof oo hor lehna laga helay Cudurkaas Maanta, qof ka mid ah dadka laga helay ayaa ka yimid koonfurta Gaalkacayo sida Wasaaradu sheegtay

Wasiirka wuxuu sidoo kale sheegtay in xanuunka ay ka bogsoodeen laba ruux oo kale.

Deegannada dowlad gobaleedka Galmudug ayaa laga diiwaan geliyay xaaladdii ugu horeysay ee COVD-19 ah. 41-ka kale ee bukaannada cusub ah waxay ku suganyihiin magaalada Muqdisho. 31 kamid ah bukaannda cusud waa rag, 11-nna waa haween.

Tirada guud ee xaaladaha COVID-19 ayaa noqotay 328 ruux, bukaannada bogsooday guud ahaan waa sideed, sidoo kale bukaannada dalka ugu geeriyooday guud ahaan waxay noqdeen 16.

Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa dhammaan Soomaalida ugu baaqday inay qaataan talooyinka caafimaad ee qaybta ka ah dadaallada lagu xakameynayo cudurka COVID-19.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *