Wadahadal Khadka Telefoonka oo Dhexmaray Farmaajo iyo Erdogaan

Published: April 23, 2020

Madaxweynaha dowladda federaalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khadka telefoonka ay ku wada xiriireen dhiggiisa Dalka Turkiga Mudane Rajab Dayib Erdogaan ayaa ka wada hadlay hannaanka iskaashiga labada dal ee xakameynta iyo ka hortagga cudurka COVID-19 oo ah aafo caalami ah.

Madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahad-celiyey shacabka iyo Dowladda Turkiga taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan yihiin shacabka iyo Dowladda Soomaaliya, gaar ahaan xilligan oo halis caafimaad oo xooggan ay ku xeeran tahay dalkeenna.

Dowladda Turki ayaa toddobaadkii hore waxay magaalooyinka Muqdisho iyo Hargaysa ka dejisay gargaar caafimaad oo loogu talagalay in wax looga qabto cudurka Corovirus ee ku sii fidaya gudaha Somaliya.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *