Madaxweynaha Galmudug oo ku dhawaaqay Golihiisa Wasiirada oo ay qayb ka yihiin Xildhibaano ka tirsan DFS.

Published: April 24, 2020

Axmed Cabdi Kaariye qoor-qoor Madaxweynaha Galmudug ayaa caawa ku dhawaaqay Golihiisa Wasiirada oo ka kooban 23 Xubnood, Wasiirada cusub waxaa ka mid ah Xildhibaano ka tirsan DFS kuwaas oo si wayn uga soo horjeeday doorashadii lagu doortay Madaxweynaha Cusub ee Galmudug Qoor-qoor.

Xubnaha kasoo muuqday Liiska Golaha Wasiirada waxaa ka mid ah Ahmed Macalin Fiqi oo laga dhigay Wasiirka Amnigga Gudaha, Xildhiiban Saabir Shuriye oo laga dhigay Wasiirka dekedaha. Golahaan Waxaa Qayb ka ah 2 dumar.

Madaxwenaha Galmudug Ahmed cabdi karie qoor-qoor waxa uu ka codsaday Golaha baarlamaanka in si degdeg ah loo meel mariyo si ay waajibaadkooda shaqo u gutaan.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *