Puntland oo Soo Dhaweysay Heshiiska Axmed Madoobe iyo Mucaraadka

Published: April 24, 2020

Madaxweynaha dowladda Puntland siciid Cabdullaahi Deni ayaa soo dhaweeyay heshiiska ay magaaladda Nairobi ku gaareen madaxweynaha jubbaland Axmed Madoobe iyo siyaasiyiintii diidanaa doorashadii madaxtinimo ee ka dhacday Kismaayo 2019kii.

Madaxweyne Deni oo xalay shir jaraa’id ku qabtay Garoowe kaasi oo ugu hambalyaynayay ummada Somaliyeed curashada bisha Ramadaan, waxaa uu heshiiskaasi ka yiri

“waan soo dhaweynayaa Heshiiska ay gaareen madaxweynaha jubbaland iyo Kooxdii isbedel doonka ahaa ee Seeraar, xiddig iyo daahir, oo runtii khilaafkii ka dhashay doorashadii Bishii August ay maanta ku soo gabagabeeyeen Nairobi” ayuu yiri madaxweyne deni

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in madaxda Jubbaland ay doorteen inay shacabkooda u shaqeeyaan oo ay xaliyaan khilaafkii dhexdooda ah, waxaana uu sheegay inuu rajaynayo in khilaafkaasi noqdii midkii u dambeeyay ee ka dhex jira ummada Somaliyeed.

Heshiiska Axmed Madoobe iyo Mucaraadka

Waxaa Maaanta Magaalada Nairobi ee Xarunta Dalka Kenya Heshiis Rasmi ah kuwada gaaray xubnihii mucaaradka ahaa ee ka biya-diidsanaa doorashadii Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe.

Labada dhinac ayaa ku heshiiyay qodobo dhawr ah oo ay muhiimsan-tahay in lawada dhiso xukuumad wadaag ah oo lagu salaynayo awood-qaybsigga Beelaha, In la aqoonsado doorashada Jubaland, In madaxweynaha Waqti xileedkiisu uu noqdo sida uu dastuurka Jubaland qabbo taas oo ah in laba jeer oo qur oo xilkaas qabto.

Dhinacyadda heshiiskaan qalinka ku duugay xagga mucaaradka waxaa ka mid ah Xildhibaan Cabdirashiid Xidig, Cabdinaasir Seeraar Maah iyo Daahir Axmed Sheekh. Halka Dawlada Jubaland uu u saxiixay Madaxweyne Axmed Madoobe.

Labada dhinac ayaa Beesha Caalamka ugu baaqay in lala shaqeeyo Jubalanad sidoo kalena la taageero heshiiskaas rasmigga ah ee la gaaray, Sidoo kale DFS ayay ugu baaqeen in ay soo afjarto khilaafka kala dhaxeeya DFS.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *