Sudan:Dublumaasi Ka Badbaaday Isku Day Dil

Published: April 24, 2020

Dublumaasi u dhashay Wadanka Maraykanka ayaa ka badbaaday isku dil oo lagu doonayay in lagu khaarajiyo magaaladda Khartuum ee caasimadda Suudaan

Qof aan haybtiisa la aqoon ayaa rasaas ooda uga qaaday gaari uu watay Sarkaalka maraykanka oo markaasi ka yimid guriga uu ka degan yahay Khartuum.

Ciidamada booliiska ee Suudaan ayaa bilaabay baaritaan ay ku ogaanayay weerarka lagu qaaday sarkaal uu yahay mid argagixiso iyo in kale. Booliisku ma sheegin magaca sarkaalka la weeraray.

Maraykanku wuxuu muwaadiniintiisa uga digay inay u safraan wadanka Suudaan sababo la xiriira kacdoonka siyaasadeed ee wadankaasi ka taagnaa sanadkii hore.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *