Bandowga Muqdisho oo Bilaabanaya Caawa 8:00 fiidnimo

Published: April 25, 2020

Dowladda Federaalka ee Somaliya ayaa ku dhawaaqday in muddo saacad ah lagu daray waqtiga uu bilaabanayo bandowga habeenimo ee caasimadda Muqdisho lagu soo rogay

Dad shacab ah oo dhigaya mudharaad ay kaga cabanayaan Labo Qof oo boolisku Muqdisho ku dilay 25 April 2017

Taliyaha ciidan Boliiska Soomaaliyeed Sareeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed (Xajaar) oo ka jaabanayay cabashada shacabka Muqdisho ayaa sheegay in bandowga Muqdisho laga dhigay 8:00 fiidnimo halka markii hore uu ka ahaa7:00 fiidnimo.

Dhinaca kale, Taliyuhu wuxuu xilka ka qaaday taliyihii Saldhiga degmada Boondheere, ee Muqdisho ka dib markii xalay uu sakari ka tirsan booliisku uu labo qof rayid ah dilay.

Magaalada Muqdisho waxaa maanta si wayn u ruxay banaan-baxyo ay soo abaabuleed dadka shacabka ah taas oo ay uga soo horjeedeen dil xalay loo gaystay 2 qof oo shacab ah xili la dhaqan-gelinyay bandawga ay dawladu soo rogtay.

https://www.facebook.com/sntvnews/videos/710826109664455/

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *