Puntland oo Diiwaan Gelisay 5 Kiis oo Cusub oo Covid-19

Published: April 25, 2020

Dowladda Puntland ayaa xaqiijisay in diwaan gelisay 5 kiis oo cusub oo cudurka Covid-19 .

Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Puntland Dr Jaamac faarax Xasan oo shir jaraa’id ku qabtay Garoowe wuxuu sheegay in 11 qof oo laga baaray cudurka Coronavirus laga helay 5 ka mid ah

” Dadka laga helay cudurka 4 qof waa rag, 1 qofna waa rag, da’doodu waxay u dhacaysaa 14 Jir ilaa 33 Jira, dhammaantooda waa dad aan dalka hore uga bixin oo aan safar gelin” sidaas waxaa yiri wasiirka caafimaadka Puntland

Wasiirku wuxuu kaloo sheegay in maanta karantiilay 10 qof oo looga shakiyay cudurka Coronavirus kuwaaso baaritaan lagu samayn doono.

dhinaca kale, Dowlada Puntland waxay maanta howlgalisay shaybaarka lagu baaro cudurka Coronavirus kaasi oo dhawaan ay soo gaarsiisay hay’adda caafimaadka Adduunka ee WHO.

https://www.facebook.com/ministryOfHealthPuntlamd/videos/3434483939914540/

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *