Shirkad Shiinays oo ah Sheegtay inay soo Saartay Tallaalka COVID-19

Published: April 25, 2020

Xilli Tirada dhimashada uu sababay virus-ka corona adduunka oo dhan ay ku dhowdahay (200,000) Laba Boqol oo kun, ayay Hay’adda Caafimaadka Adduunku ku baaqday dardar-gelinta soo saarista tallaall si loola dagaallamo cudurka Corona Virus.

Shirkad laga leeyahay Shiinaha ayaa sheegtay in ay ku guleeysatay soo saarista tallaal muujinaya loga hortagayo Xanuunkan.

Wadarta kiisaska la xaqiijiyay ee cudurkan Covid-19 uu sababay adduunka oo dhan waxay gaarayeen qiyaastii 2.8 milyan, waxana la sheegay in ku dhawaad 196,000 oo quf ay dhinteen halka 789,000 oo qof ay ka soo kabsadeen, sida ku cadd tirakoobka ay soo diyaarisay Jaamacadda Johns Hopkins.

Shirkadda dawooyinka Shiinaha ee Samovar ayaa sheegtay inay soo saartay Tallaal loga hortagayay faafida xanuunkan aaska usameeyay Caalamka oo idil.

Seddex maalmood ka dib markii tallaalkan lagu tijaabiyay  Aadanaha,Seynisyahanada  wali dib uma ay eegin natiijooyinkii hordhaca ahaa ee talaalkan.

Af hayeen u hadlay Shirkadda dawooyinka Shiinaha ee Samovar oo lagu magacaabo Yang Guang ayaa u sheegay Wakaalada wararka AFP  in tijaabooyinkii Tallaalkan  ay muujiyeen waxtar  wanaagsan  iyo in shirkada ay ku kalsoontahay suurta galnimada talaalkan.

Sidokale Saynisyahanka reer Mareykan ah oo lagu magacaabo Florien Kramer ayaa bartiisa Twitter-ka  ku sheegay in Shirkada ay bixisay Xogtii ugu horreysay eek u saabsan xal u helista xanuunkan halista ah.

Dhanka kale Ururka Caafimaadka Adduunka ayaa bilaabay qorshe lagu dardar-galinayo soo saarista tallaalla iyo dawooyin lagula dagaalamaya Virus-kan.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *