Somaliland Ayaa Samaysay Sanduuq Lagu Taakulaynayo Ganacsatada Yar Yar

Published: April 25, 2020

Xukuumaddu somaliland ayaa sheegtay inay go’aansatay qiime dhimis cashuureed oo loo samaynaayo 20%  raashinka daruuriga ah , waxa kale xukuumadu sheegtay inay samaysay sanduuq laga taakuleeyo dadka dhibaatada dhaqaale ay kasoo gaadhey xanuunka Korona Fayras ,

Wasiirka wasaaradda Maaliyadda Somaliland Dr Sacad Cali Shire ayaa sheegay in Xukuumadu ay ugu talo gashay in sanduuqaas ay ugu tabarucdo lacag dhan 1 Milyan oo Dollar

Wuxuu sidoo kale sheegay in dawladdu ay samaynayso sanduuq loogu talo galay in laga taakuleeyo ganacsatada yar yar ee ganacigoodu uu kaga baaba’ay ama hoos ugaga dhacay intii xanuunkani dalka soo galay, waxaanu tilmaamay in sanduuqaas ay dawladdu ku shubi doonto 1 Milyan oo Dollar.

Sanduuqa hore loo sameeyey ee loogu talo galay la dagaalanka iyo ka hortaga xanuunka COVID-19  ayuu sheegay wasiirku in lagu shubi doono 1 milyan oo Dollar oo kale,  iyada oo hore sanduuqaas loogu shubay 500,000 oo Dollar.

Dawooyinka iyo agabka caafimaad ee lagula dagaalamaayo xanuunka COVID-19 ayay sidoo kale dawladdu cashuur dhaaf u samaysay, sida uu sheegay wasiirka Horumarinta Maaliyadda Somaliland.

Dhanka kalena wasiirka horumarinta Maaliyadda Somaliland waxa uu dadka ganacsatada iyo maalqabeenka ah ka codsaday in ay sako iyo sadaqo kaga qayb qaataan tabarucaadka lagu taakulaynaayo dadka uu saameeyey xanuunka COVID-19.

Baananka daymaha bixiya ayuu ugu baaqay Wasiir Sacad Cali Shirre in ay ka khafiifiyaan macaamiishooda shuruudaha daynta, isla markaana ay waqti ugu daraan dadka ay daymaha ka sugayaan.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *