USA: Tirada dadka u geeriyooday Covid-19 Oo Dhaaftay 50,000

Published: April 25, 2020

24 Saac ee la soo dhaafay dalka Maraykanka waxaa cudurka coronarius u geeriyooday 3000 kun qof, iyadoo Tirada guud ee dadka u dhintay covid-19 ayaa gaadhay 50, 000 kun oo qof sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay Jaamacada Hopkins.

Dadka uu ku dhacay cudurku ayaa tiradoodu kor u dhaaftay 870,000, hase yeeshee Maraykanku weli tirada dadka u dhimanaya Covid-19 waxay ka hooseeya tirada dadka cudurka ugu dhintay qaarada Yurub .

Qaybo ka mid ah dalka ayaa dib loo furay ganacsigii ka dib markii u muddo toddobaadyo ah lagu soo rogay bandow. goboladda Georgia, Alaska iyo Oklahoma ayaa dib loo furay xarumaha ganacsiga, hase yeeshee weli waxa xiran Iskoolada.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *