Bukaannada Uu Soo Ritay COVID-19 ee Puntland oo Kordhay

Published: April 26, 2020

Dowladda Puntland ayaa xaqiijisay in cudurka covid-19 uu ku dhacay 4 qof oo cusub ka dib markii baaritaan lagu sameeyay 10 qof oo shalay la karantiilay.

Sida uu wasiirka caafimaadka dawlada Puntland Dr Jamac Farax Xasan uu caawa xaqiijiyey waxaa korortay tirada dadka laga helay cudurka Covid19.

Wasiirka ayaa cadeeyay in maanta la baaray 10 ruux oo 7 kamid ah ay rag ahaayeen iyo saddex dumar ah, xanuunkana laga helay 4 qof halka 6 ruux laga wayay.

Wasiirka Caafimaadka Puntland Dr Jamac Farax Xasan ayaa sheegay in tirada guud ee xaaladaha COVID-19 Puntland laga diiwaan geliyay ay noqonayso 10 ruux, majirto wali bukaan ugeeriyooday xanuunka.

Wasaaradda caafimaadka Puntland ayaa shalay xaqiijisay in Baaritaan lagu sameeyay 11qof oo laga shakisanaa laga helay 5 qof, kuwasoo da’doodu u dhaxayso 14 jir ilaa 33 jir.

24-kii saac ee ugu dambeeyay waxaa cudurka u geeriyooday 5 ruux oo kamid ah dadkii laga helay cudurka COVID-19, waxaana soo kordhay 46 xaaladood oo cusub sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee dowladda federaalka ee Somaliya.

Tirada guud ee dadka laga helay cudurka Covid-19 ee Somaliya ayaa gaadhay 436 oo ruux, tirada bukaannada u geeriyooday cudurkana ay gaareen 23 oo qofood.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *