Farmaajo Oo Magacaabis iyo Xilal Ka Qaadis Sameeyay

Published: April 26, 2020

Madaxweynaha Soomaaliya M Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xilalkii ka qaaday Guddoomiye K/Xigeennadii Maaliyadda & Hawlaha Guud ee maamulka Gobolka Banaadir

Xeer uu soo saaray ayuu madaxweynuhu ku magacaabay Mudane Axmed Xasan Iimaan inuu noqdo Guddoomiye K/Xigeenka Arrimaha Maamulka iyo Maaliyadda ee Gobolka Banaadir, halka Cumar Cali Cabdi loo magacaabay inuu noqdo Guddoomiye K/Xigeenka Gobolka Banaadir ee Hawlaha Guud.

“”Madaxweynaha ayaa markii uu arkay in ay jirto baahi loo qabo in loo magacaabo Gobolka Banaadir K/xigeennada Arrimaha Maamulka iyo Maaliyadda iyo Hawlaha Guud. Markii uu tixgeliyay khibradda shaqo ee ay mudanayaashan xilkan loo magacaabayo u leeyihiin howlaha loo magacaabay waxa uu soo saaray xeerkan.” Sidaas waxaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Villa Somalia

Madaxweyne Farmaajo ayaa u rajeeyay labada Guddoomiye K/Xigeen inuu Eebbe u fududeeyo masuuliyadda culus ee loo igmaday, isaga oo kula dardaarmay inay si hufan u gutaan hawlaha baaxadda leh ee horyaalla,

Waxaa la baabi’iyay xeer kasta oo kan ka horreeyay oo ka hor imaanaya magacaabistan cusub, wuxuuna dhaqangalayaa maanta oo ah Axad, taariikhduna ay ku beegantahay 26ka Abriil, 2020.

Xil-ka-qaadista iyo magacaabista guddoomiye ku-xigeenada gobolka Banaadir ayaa imaanaysa kadib markii shalay ay Muqdisho ka dhaceen banaanbaxyo ballaaran oo dadweynuhu kaga ashkatoonayeen labo qof oo shacab ah oo Booliisku guryahooda ku dhex dileen .

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *