Somaliland oo Gubtay Qaad Loo Joojiyay Cudurka Korona Fayras awgii.

Published: April 26, 2020

Maamulka gobolka Gabiley iyo ka degmada Tog-wajaale ee Somaliland oo kaashanaya ciidanka Booliska ayaa gubay Qaad ay sheegeen in uu si sharci daro ah oga soo gudbay xadka xiligan oo Somaliland laga joojiyey Qaadka Xannuunka Korona Fayras awgii.

Taliyaha qaybta ciidanka booliska ee gobolka Gabiley Axmed C/laahi Cabdi, ayaa sheegay inay ciidanka Boolisku soo qabteen Bajaaj sida Jawaan Qaad ah oo ay ku jireen toban kiiloo, wuxuuna intaas ku daray in gacanta lagu dhigay qof dumar ah oo sidatay Qaadkaas isla markaana xabsiga loo taxaabay, iyadoo Bajaajtii sidayna dawladdu la wareegtay Qaadkiina lagu gubay meel fagaare ah, wuxuuna taliyuhu intaas raaciyey in amarkii dawladda ka soo baxay uu sidiisii u soconayo lana fulinayo.

Waxa kale, oo isna halkaas ka hadlay guddoomiyaha degmada Tog-wajaale Xaashi Maxamuud Cabdi oo sheegay inay ka maamul degmo ahaan ay ku garab taagan yihiin ciidanka Booliska talaabo kasta oo ay kula dagaalamayaan Qaadka sida sharci darada ah ugu soo gudbaya Somaliland, wuxuuna bulshada degmadaas ka codsaday inay la shaqeeyaan ciidanka Booliska.

Guddoomiye ku xigeenka gobolka Gabiley Cali Cabdi C/laahi (Cali Case) oo sheegay inay fuliyeen amarkii dawladda ka soo baxay ganacsatadii markii hore ka ganacsan jiray Qaadka, balse dadka ku hawlan inay Qaad keenaan ay yihii dad cusub oo doonaya inay si sharciga baal marsan u soo galiyaan dalka, wuxuuna intaas raaciyey in sharciga la horkeeni doono cidii ku gafta go’aanka xukuumadu ku joojisay Jaadka, wuxuuna fariin digniin ah u diray dadka ku hawlan inay sharciga jabiyaan si ay Qaad u keenaan, isagoo sheegay in gacan bir ah lagu qaban doono cidii iska dhago marisa go’aanka dawladdu qaadatay.   

Somaliland ayaa waxaa maalinle u imaan jiray maandooriyaha qaadka oo sidaan baabuur waaweyn oo Itoobiya ka keena.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *