Madaxweynaha Puntland oo Magacabaay Taliyaha Ciidamada Booliska Puntland.

Published: April 27, 2020

Madaxweynaha Dawlada Puntland Saciid Cabdilaahi Deni ayaa digreeto kasoo baxday xafiiskiisa waxa uu ku magacaabay Taliyaha Ciidamada Booliska Dawlada Puntland, Digreetada ayaa u dhignayd sidaan:-

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Xeer Madaxweyne Lr. 39 ee 27da April, 2020, ku magacaabay Taliyaha Ciidanka Booliska Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Dowladda PuntlandMarkuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay: Baahida loo qabo Dar-dar gelinta Amniga.Markuu Tixgeliyey: Aqoontiisa, kartiisa iyo waayo-aragnimadiisa Ciidannimo.

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa S/Guuto Cabdi Xasan Xuseen loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Booliska Dowladda Puntland.

Taliyaha Cusub ayaa bedelaya Taliyihii hore ee Ciidamada Booliska Puntland Muxyadiin Axmed Muuse [ Muxyadiin Gacamey }

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *