UK: Boris Johnson oo shaqadiisa dib u bilaabay kana hadlay Xaalada Covid-19

Published: April 27, 2020

Raysalwasaaraha UK Boris Johnson oo muddo todobaadyo ah u jiifay xanuunka Covid-19 ayaa maanta oo Isniin ah dib u bilaabay shaqadiisa.

Mr.Johnson ayaa sheegay in hawsha ugu weyn ee hada hortaal ay tahay in go’aan laga gaaro marka la qaadayo xayiraada ay dowladiisa soo rogtay si looga hortago faafida Covid-19, bandowga iyo xayiraadaha saaran ganacsiga dalkaasi ayaa ah mid dhaqaale burbur weyn ku haya wadankaasi.

Boris Johnson ayaan ka dhawaajin xiliga ay qorsheenayaan inay qaadaan xayiraada balse sheegay in hada ay hoos usii dhaceyso tirada dhimashada, walow ay si weyn uga taxadarayaan in cudurkan uusan mar labaad kusoo labo-kacleyn markii shacabka hawlahooda loo fasaxo.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *