Wararkii u Dambeeyay ee Covid-19 ee Soomaaliya

Published: April 27, 2020

Wasaaradda caafimaadka ee dowladda federaalka ayaa sheegtay in 24 Saac ee la soo dhaafay ay 9 qof oo bukaan ah ay ku geeriyoodeen cusbitaalka Martiini ee Muqdisho

Dr. Cabdirisaak Yuusuf Axmed oo ah La-taliyah Nidaamka Tayada Caafimaadka ayaa ka war bixiyay xaladaha ka soo kordhay De-martino Hospital ee magaalada muqdisho oo ah xarunta loo asteeyay daaweynta COVID-19.

Wuxuu sheegay in 24kii saac ee ugu danbeeyay 9 bukaan ay geeryoodeen, 5 ayaa aheed bukaan jiif, halka 4ta kale ay ku geeriyoodeen qeybta gargaarka deg-degga.

“Waxaa COVID-19 udhintay 1 bukaan, 1 qof lagama helin waa cudur ah , halka 7da kale ay sugayeen jawaabta barista” sidaas waxaa yiri Dr Cabdirisaaq

Dr Cabdirisaaq wuxuu sheegay in 28 qof oo bukaan ahi ay jiifaan cusbitaalka Martiini, waxaana uu baaq u diray cusbitaalada gaarka loo leeyahay ee Muqdisho.

“waxaan bulshada usheegaynaa baaxadda cudurka iyo qatartiisa loona baahanyahay in ay ka taxadaraan lana yimaadaan siyaabaha looga hortago caabuqa. Hospitaalada gaarka loo leeyahay waxaan ugu baaqeynaa in bukaannada leh astaamaha cudurka safmarka COVID-19 in ay xilli hore u soo gudbiyaan De-martino Hospital ” ayuu yiri Dr Cabdirisaaq

Dhinaca kale, Wasaaradda Caafimaadka waxay sheegtay in baaritaan maanta la sameeyey, waxaa cudurka COVID-19 laga helay 44 qof.

Bayaan ay soo saartay Wasaaradda caafiaadka ayaa lagu sheegay in baaritaankii la sameeyay ay soo baxday in 44 qof oo horleh laga helay cudurka Coronavirus, taasi oo tirada guud ee laga helay cudurka ka dhigaysa 480 qof.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in cudurka COVID-19 ay u dhinteen 3 ruux, waxaana tirada guud ee dadka u dhintay cudurka ay noqoneysaa 26 ruux.

27 April 2020: Warbixinta COVID-19 ee Soomaaliya

Waxaa cudurka COVID-19 laga helay 44 qof.

> Dhedig: 9

> Lab: 35

> Bogsasho: 4

> Dhimasho: 3

> Tirada Guud: 480

> Bogsashada Guud 14

>Dhimashada Guud 26

SOMALILAND

Wasaaradda caafimaadka ee Somaliland waxay sheegtay in cudurka Covid-19 ay ka baareen dad tiradoodu gaarayso 178 qof, ayna ka heleen cudurka 6 qof oo kaliya. Wasaaradu waxay sheegtay in labo qof oo ay ka bogsadeen cudurka.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *