Xildhibaanada Golaha Deegaanka Baargaal oo Gudoomiye Cusub doortay.

Published: April 27, 2020
Sawirka Gudoomiyaha Baargaal Cabbane Muuse Caynab

Waxaa Magaalada Baargaal ee Gobolka Gardafue ee Puntland saaka kusoo gabagabawday doorashadii Gudoomiyaha Golaha Deegaanka Degmadaas ahna duqa Degmada Baargaal, Cabbane Muuse Caynab ayaa xilkaas loo doortay isagga oo helay codad dhan 13, halka Guddoomiyihii hore ee Baargaal Abukar Indhacadde oo mar kale tartmay uu helay 5-cod oo keliya.

Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha Puntland oo goob-joog ka ahaa doorashadaas ayaana ku dhawaaqa natiijada kama danbaysta ah, Wasiir Dhabancad waxa uu xildhibaanada Golaha Deegaanka iyo Shacabkaba ka codsaday in ay la shaqeeyaan gudoomiyaha cusub.

Xubnaha Golaha deegaanka Baargaal ayaa dhan 18 xubnood, Wasaarada Arimaha Gudaha Puntland ayaa mudooyinkii danbe waday dadaalo lagu dhisayo golayaasha deegaanka Puntland.

Horseed Media, 2020

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *