Madaxweyne Deni Oo Guddi Heer Wasiiro ah u Saaray Xaalada Qardho.

Published: April 28, 2020

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa guddi heer wasiiro ah oo ay ganacaato ku jirto u saaray dhibaatada ka dhalatay Roobab ka da’ayey Qardh ee sababay dhimashada 7 qof iyo Burbur soo gaaray magaalada

Madaxweynaha oo maanta tegay Qardhi ayaa Bulshada la qeybsaday xaaladda Bani’aadantinimo ee ay ku jiraan, iyo khasaaraha naf iyo maal leh ee ka dhashay Biyaha magaaladda kusoo rogmaday. Wuxuu Madaxweynuhu ka qeyb galay Aaska dadkii ku geeriyooday daadadka kusoo fatahay magaaladda, isagoo tacsi u diray ehelada iyo qoysaska dadkii geeriyooday.

Madaxweyne Deni ayaa ku dhex lugeeyay magaaladda isagoo kormeeray goobaha burburku gaaray si uu usoo arko sida ay wax u dhaceen, wuxuu booqday boqolaal qoys oo ku barakacay daadadkii kusoo fatahmay xalayto magaaladda, isagoo la Kulmay bulshada oo uga warbixinaysay khasaaraha jira.

Wuxuu Madaxweynuhu sheegay in ay Dowladdu sameysay Guddi heer Wasiir ah oo Ganacsataduna qeyb ka yihiin, kuwaasi oo ka shaqeyn doona gurmadka Qardho, Madaxweynaha ayaa baaq u diray Dadweynaha Puntland iyo Guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed, Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Beesha Caalamka sidii looga wada qeyb qaadan lahaa xaaladda bani’aadantinimo ee ka jirta maanta Qardho.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *