Gurmadkii ugu horeeyay ayaa maanta shacabka Qardho loo qaybiyay.

Published: April 30, 2020

465 Qoys ayaa Maanta loo qaybiyay deeq Raashin ah oo ka kooban, Bur, Bariis, Sonkor, Caano, Saliid, Kaluun, iyo Timir. dhamaan dadkaan ayaa hantidoodii ku waayay daadadkii xooga lahaa ee Qardho la kala tagay, Dawlada Puntland ayaana sheegtay in deeqdaan ay sii socon-doonta tanina ay tahay wejigga koowaad.

Sidoo kale gudigga deeqaha ayaa maanta deeq raashin ah kala wareegay maamulka iyo shacabka Degmada Dan-goranyo, iyo qaar ka mid ah dad muxsiniin ah oo is-xilqaamay Gudigga ayaa dhamaan dhinacydda uga mahad-celiyay sida ay u garab-istaageen.

Dhanka Kale Gudoomiyaha Gudigga Gurmadka Daadaka Qardho Maxamed Dhaban-cad ahna wsiirka arimaha gudaha oo ay weheliyaan wasiirada Maaliyadda Maaliyada, Wasiirka Ganacigga, Wasiir kux igeenka warfaafinta ayaa kormeer iyo booqasho ku tagay xaafada iyo suuqa way ee magaalada oo ka mid ah meelaha ay biyaha daadka ah saamaynta xun ku yeeh, wasiir dhabana-cad oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay wadaan qiimay lagu darsayo xaalada guud ee magaalada.


Sidoo kale Madaxweynaha Dawlada Puntland Saciid Cabdilaahi Deni ayaa maanta kulamo la qaatay odayaasha iyo waxgaradka gobolka karkaar Siciid Cabddullaahi Deni, ayaa la wadaagay Waxgaradka iyo Odeyaasha dhaqanka in Dowladda ay ka go’antahay sidii xal waara looga gaari lahaa togagga iyo meelaha kale ee fududeynaya in Biyahu soo galaan magaaladda.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *