Madaxweyne Farmaajo: Ha Ilaaliyo Xuquuqda Shaqaalaha Xiliga Lagu Jiro Xaalada Covid-19

Published: May 1, 2020

Madaxweynaha dowladda federaalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shaqaalaha Somaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda Maalinta Shaqaalaha Adduunka oo sanadka la xuso Maanta oo ah 1-da May,,

Madaxweynuhu wuxuu uga mahadceliyay shaqaalaha Somaliyeed meel kasta oo ay joogaan maskaxda iyo muruqa ay geliyeen dib u dhiska iyo horumarinta dalka

“Waxay maanta oo kale mudnaayeen u qabasho dabaaldegyo, kulamo lagu sharfayo iyo guddoonsiin abaalmarino. Hase yeeshee, saamaynta uu keenay caabuqa COVID-19 darteed suurtogal inooma ahan arrimahaasi” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo

Wuxuu sheegay in Somaliya ay xiligan la tacaalayso halis caafimaad oo uu sababay cudurka COVID-19 iyo masiibooyin dabiici ah oo ku dhuftay qaybo ka mid ah dalkeenna,

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in Dawladdu ay xoogga saartay Ilaalinta xuquuqda iyo sharafta shaqaalaha Soomaaliyeed, kuwa dawladda u shaqeeya iyo kuwa aan dawladda u shaqaynba, waxaana aan mudnaanta siinay kor u qaadidda fursadaha shaqo ee dhallinyarada ayuu yiri madaxweynuhu

“Waxaan xaqiijinay inaan shaqaalaha dawladda xuquuqdooda mushahar siino, taas oo aan uga golleenahay yareynta shaqo la’aanta ka jirtay dalkeenna, waana ku dadaalaynaa sidii guri kasta oo Soomaaliyeed u heli lahaa dhaqaale uu ku maareeyo noloshiisa” ayuu yiri, wuxuuna sii raaciyay

“Si loo xoojiyo xuquuqda iyo waxqabadka shaqaalaha, waxaan dardar gelinaynaa dadaalladeenna ku aaddan xoojinta Iskaashatooyinka dalka, ururrada shaqaalaha iyo ururrada bulshada rayidka ah”

Madaxweynuhu wuxuu ugu baaqay loo-shaqeeyeyaasha, ha ahaadaan dawlad, ganacsato, iyo hay’ado kaleba, inay ilaaliyaan xuquuqda shaqaalaha waqtigan adag ee cudurka COVID-19 saameeyay noloshooda oo idil.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *