Habraaca Maaraynta Mashaariicda Gurmadka Deg-degga ah. { Maqaal }

Hordhac:

Mar-kasta oo ay dhacaan musiibooyin, sida abaaraha, daadadka IWM, waxaa la sameeyaa guddiyo kala duwan oo ka shaqeeya u gargaarida dadka musiibooyinku saameeyaan/gaareen. Guddiyadaas waxay qabtaan shaqooyin badan oo muhiim ah, laga bilaabo lacag uruurinta (fundraising) ilaa fulinta mashruuca (project implementation). Guddiyadaas waxaa laga yaabaa in aysan qaarkood aqoon u lahayn fulinta mashaariicda laakiin ay ku fiican yihiin lacag ururinta.

Sidaas awgeed, waxaa badanaa dhaca khaladaad, gaar ahaan dhanka isla xisaabtanka iyo hufnaanta (accountability and transparency), khaladaadkaas waxa mid ah:

  1. Isla xisaabtan la’aan.
  2. Raadraac la’aan shaqooyinkii la qabtay.
  3. In aan mashruuca loo fulin sidii la rabay.
  4. Kormeerid iyo qiimayn la’aan.
  5. In aan lawada gaarin dadkii baahnaa.
  6. In aan la diwaangelin wixii laga bartay iyo caqabadihii dhacay.
  7. In dadku u qaataan in wax la dhacay xitaa iyadoo aanan la dhicin, taas oo ay sabab u tahay bulshada oo aan lala wadaagin xog tifaftiran.
  8. Guddiyo badan oo aan wada-shaqayn lahayn.

Si isqabqabsi iyo tuhunka looga fogaado waa in dadka hawshaan haya ay labo dhinac oo muhiim ah ku xisaabtamaan. Tan koowaad waa in markii gurmadka la soo ururiyo iyo intaan la uruurin ba loola dhaqmo hawsha sidii mashruuc oo kale. Markaas waxaa lagama maarmaan noqon in hawsha ay wax ka waddo cid taqaan sida mashaariicda loo maamulo (Project Management), tan labaadna waxay tahay in hawsha xisaabaadkeeda loo xilsaaro cid aqoon u leh maamulka maaliyadda (Financial Management). Marka maadaama aan khibrad iyo aqoon ba u leenahay labadaa aag ee aan xusnay waxaa talo siin doona guddiga gurmadka ee daadka Qardho taas oo noqon doonta diiwaan iyo tixraac gurmad walba looga faa’iidaysto; isla markaana haddii la dheehdo, la dhuuxo oo lagu dhaqmo meesha ka saari doonta tuhun iyo in faro la isku fiiqo ba.

Habraaca qorsheynta & fulinta mashaariicda bulshada (community Project planning & implementation strategy).

Halku-dhigga fulinta mashaariicdu waa:

“Isu imaatinku waa bilow, wada jirku waa horumar, wada shaqayntuna waa guul”- Henry Ford

Mashruuc waa hawlo taxane ah oo u baahan in la dhammaystiro si loo gaaro natiijo gaar ah. Mashaariicdu waxay maraan marxalado taxane ah oo isku xig xiga bilowgiisa ilaa xiritaankiisa. Sidaas awgeed waxa muhiima in shaqooyinka la xiriira gargaarka bulshada ay musiibadu saamayso loo fuliyo si waafaqsan nidaamyada fulinta maashriicda caadiga ah, loona qaato waxa aynu qabanayno in ay tahay mashruuc muddo gaaban; uuna maro maraaxisha ay maraan mashruucyada degdegga ah (Emergency project).

Waxaan halkan idinkula wadaagaynaa habka ugu wanaagsan ee loo fulin karo mashaariicda deg-degga ah, gaar ahaan marka ay dhacaan musiibooyinku:

  1. Raadinta iyo samatabbixinta dhibbanayaasha (Search and rescue of victims).
  2. Diyaarinta iyo isku xirka dadka shaqada qabanaya.
  3. Qiimayn degdeg ah (Rapid assessment) ―si loo ogaado dadka dhabta ah ee ay wax gaareen, sida ay wax u gaareen iyo baahiyaha deg-degga ah ee ay u baahan yihiin.
  4. Diyaarinta qorshaha waxqabadka xaaladaha degdegga ah (Emergency response plan).
  5. Qiimaynta khayraad kasta oo la heli karo.
  6. Diyaarinta qorshaha wada xiriirka (Communication plan).
  7. Diwaan-gelinta dadka dhibaatadu gaartay.
  8. Midaynta wixii gargaar ah ee la heli karo.
  9. Diyaarinta gargaarrada deg-degga ah.
  10. Qaybinta gargaarka deg-degga ah.
  11. Qiimaynta xaaladda qaybinta ka dib (Post-distribution monitoring), si loo ogaado xaaladdu sida ay isu beddeshay qaybinta ka dib.
  12. Qiimaynta mashruuca (Project evaluation), si loo hubiyo in ujeedooyinkii mashruuca la gaaray.
  13. Diiwaangelinta casharradii la bartay (Documenting lessons learnt).
  14. In la diyaarsho khidadda bixida (Preparation of exit strategy).
  15. Xiritaanka mashruuca iyo xifdinta qoraallada (project close-out and documentation).

Intaas marka lagaga tago ula dhaqmidda howlaha gurmadka hab mashruuc bal aan eegno sida maaliyad ahaan loo maamulayo iftiimin kooban.

Maamulka maaliyadda

Inta badan in lacag iyo gargaar kale la soo ururiyo waa arrin laga guul gaaro marka laga hadlaayo in loo gurmado meel masiibo ku habsatay. Balse waxaa tuhun badan iyo faro la isku fiiqo hareeyaan marka laga hadlaayo sida loo maareeyey lacagaha la uruurshay  sida dhowaan ka dhacday qaaraankii loo ururinaayey hagaajinta waddooyinka ay roobabku gooyeen Gardafuu. Marka waxaa su’aal isweydiin mudan halka sartu ka quruntay waa halkee? Inta badan dadka hawsha gacanta loo geliyaa waa dhowr qolo.

Dad iyagu is dira iyagoon ciddi dirin waa kuwa la dhaho samafalayaal kuwaas oo dhallinyaro, waayeel iyo culimo ba leh, iyo sidoo kale dad ay magacawdo dowladdu oo isagu jira shaqsiyaad bulshadu tixgaliso sida culimo oo aaminaad iyo aftahannimo lagu soo xusho iyo masuuliyiin dowladeed.cidda howshaa gacanta la gasha ama dirsanayaal aan la dirsan ha noqdeen ama kuwo  la diray ha noqdeene dabinka ugu weyn ee howshaan waxaa lagu dhacaa marka kharash garayn bilaa diiwaan ah la bilaabo taas oo hadhow soo xisaabtama haddii la dhaho uu waa ku beryo ciddii hawsha haysay.

Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa nin gunti xun inuu wax qarsanaayo baa la moodaa. Dadka hawshaan haya qaar badan oo ka mid ah dhayalsiga hab hufan oo xisaab-celin ayaa ka dhigta kuwo u muuqdo inay wax lunsadeen iyagoo laga yaabo nin dar illaahayna u shaqaynaayeen aysan na waxba lunsan taas oo halis weyn ku ah mustaqbalka tabarucaadka, suurtagalna ka dhigaysa haddii isqabqabsigu bato in cid la aamino ba la garan waayo oo ay ragaadiso gurmad loo fidin lahaa walaalo tabaalaysan.

Waxaa muhiim ah in bilowga ba la og yahay xeeraararka iyo dariiqooyinka maaliyadeed ee la qaadayo si loo ilaasho sharafta dadka hawsha gacanta kula jira, isla-markaana loo hubiyo in gargaarka la fididiyey uu gaaray sidii ugu habboonayd dadkii loogu talagalay. Si loo helo hab hufan oo xisaab-celin, arrinka kale ee muhiimka ah in bilowga ba la qeexo oo far waaweyn lagu qoro waxa uu yahay, cidda hawsha wadda ee guddiga loo xilsaaray gurmadku kharashaadka ku baxaaya ma waxay noqon mid laga gooyo lacagta gurmadka ah ee la soo uruurshay mise waa kuwo iyagu dar alle isu dabiraaya. Tusaale, wasiir dowladda u shaqeeya waxuu miisaaniyada oo ah canshuurtii bulshada laga soo uruurshay ku leeyahay qoondo adeeg la yiraahdo oo lagu siiyo inuu bulshada u adeego marka haddii uu dhaho waan adeegayaa lacagta gurmadka baanna kharaska igu baxayaa inta hawshu socoto saarayaa waxii igu baxa waxay noqon in uu labo jeer bulshada lacag ka qaatay xisaabin buuna u baahan yahay bal se haddii uu jiro qof aan wax camal ah hayn dar illaahay aan ku shaqaynayn kaas oo aan is bixin karin waa in bilowga la yaqaan  boqolkiiba inta uu khidmayn ku qaadan. Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa qofkaad kabo ka tolan kabahiisa baa la eegaa marka qofka aynnu u dirsan inuu lacag gurmad inoo maareeyo waa in hayntiisa la eego waayo qof baahan lacag aan laga xisaabinayn haddii loo dhiibo dad baahan inuu gaarsiiyo dhammaan way adkaan marka qofkii aan waxba hayn in wax loo qoondeeyo waa lagama maarmaan oo la dhaho tusaale boqolkiiba  labo lacag ah ayaad howsha maamulkaan gurmadkaan ku qaadan waa inaad boqolkiiba sagaashan iyo sideedda  soo hartay gaarsiiso dadkii ku habboonaa ee xaqa u lahaa soona xisaab-celiso.

Marka maaliyad la maaraynayo waxaa jira afar arrimood oo asaas u ah kuwaas oo kala ah:

  1. Qorshaynta maaliyadeed: Waa in la dejiyo miisaaniyada ku baxaysa hawlaha la qorsheeyey iyadoo madax hawleed kasta loo qoondaynayo kharash ku suurtagal ah oo ku filan. Halkaan ayaa la isku weydiiyaa kharashka ku baxaaya hawlaha la qaban iyo ilaha uu ka soo xeroon.Waa in miisaaniyadaasi ay noqoto mid dhankii la doono loo gedin karo iyadoo la eegayo baahida bulshada taas oo ka dhigan haddii ciddii howsha loo xil saaray wax ay qorshaysay ay bulshadu sheegto howl ka habboon oo maangal ah waa in taas la qaato.
  2.  Diiwaangelinta dhaqdhaqaaqa maaliyadeed: Marka hawlahii la qorsheeyey fulintooda la bilaabo waxaa bilaabmi bixinta lacagta ku baxaysa hawlahaa. Lacagtaas waa in si daacadnimo iyo daah-furnaan leh loo kharash gareeyo lana diiwaangeliyo kharash kasta oo baxa; iyadoo aan loo tixgelinayn qiimaha hawsha ku baxay―yaraan iyo badnaan―tusaale, haddii la bixiyo hal doollar waa in la qoro. Diiwaangelintu waa inay noqoto mid hawsha la qabtay faafaahin oo caddayn buuxda u haysa in lacagtaasi baxday (Proof of payment). Taasi waa mid sahlaysa isla xisaabtanka, una noqon diiwaan ay eegaan hantidhowrka eegi doona hawsha markii ay idlaato.
  3. Dib u eegis maaliyadeed: Markii hawsha maaliyadeed la qorsheeyo lana helo diiwaan sax oo dhammaystiran oo caddayn waxii baxay waxaa la diyaarin warbixino kala duwan kuwaas soo koobaya waxii dhacay sida in miisaaniyadii la dejiyey dib u eegis  lagu sameeyo iyadoo la is barbar dhigaayo waxii la qorsheeyey kharash in la bixiyo iyo waxaa la kharash gareeyey.
  4. Hubinta maaraynta maaliyada: Si loo hubiyo in maaliyaddii gargaarka loo maarayey si saxan waa in cid kasta oo hawsha gacanta kula jirta ay noqoto mid lala xisaabtami karo sida ay u adeegsadaan awooda loo idmaday iyo kheyraadka lagu aaminay waa inay jiraan askari-jiifyo keenaya inaan lagu dhiiran in wax la is daba mariyo kuwaas oo noqon sidan:
  5. In la kala duwo doorarka oo markii lacag la bixinaayo ay dhowr qof ku lug yeeshaan sida diyaarinta kharashka,hubuntiisa iyo cidda ansaxinaysa ee yeelan saxiixa u dambeeya.
  6. Waa in diiwaangalinta waraaqaha lacagtu ku baxayso ay noqdaan kuwo taxane ah oo la tixraaci karo markii hawsha gurmadku dhammaato.
  7. Xisaabaadka kolayada kala duwan waa in la xiro asbuucle oo la diiwaangeliya sida tirinta waxii lacag cadaan ah iyo xirista xisaabta lacagta bangiyada kala duwan.
  8. Waa in la yareeyo isticmaalka lacagta cad oo lacag kasta bangiga lagu shubo wax yar mooyee.
  9. Waa inay qeexan tahay shaqada uu qaban qof kasta si looga fogaado isku fiirsi iyo isku qabsi
  10. Waa in xogta si joogta bulshada loola wadaaggo si ay fursad ugu helaan inay joogta ula xisaabtamaan cidda hawsha wada.
  11. Hantidhowr madaxbannaan waa in la sameeyo markii hawshu dhammaato kaas oo hubiya in kharashaadkii loo adeegsaday si loo qorsheeyey.

Gunaanad

Meelaha musuqmaasuqu ka dhaci karo waxaa kow ka ah diiwaangelinta iyo hubinta inta qof ee masiibadu saamaysay. Si taas looga fogaado waa in la diiwaangeliyo inta qof ee masiibadu saamaysay iyadoo laga hubinayo inay ku jiraan dad soo noqnoqday iyo kuwo aan ku habboonayn oo liiska soo galay. Bulshadu waa in is taqaan hebel iyo heblaayo ayaa loo garan ciddii wax soo gaareen marka waa in dad dadka kala yaqaan ay hawsha hubinta qayb ka noqoto. Sidoo kale waa in laga hubiyo dadka meesha soo galay inaysan ku imaan nin jeclaysi, qaraabaysi, eex iyo kooxaysi kuwaas oo hodhow keeni kara tuhun iyo shaki badan. Ugu dambayntii haddii hawshaan loo wajaho sidii mashruuc waxay noqon doontaa mid wax badan sahasha fulinta, haddii kale na jaantaa rogan bay noqon markii kharashka loo bixiyo sidii wax qof jeebkiis ka baxaya oo aan hadhow la weydiinayn. Waxay na keenaysaa in maamulka maaliyaddu uu isku dhex yaaco oo hadhow wax la xisaabiyo ba la garan waayo.

Waxaan ku han weynahay in guddigaan iyo guddi kasta oo gurmad goortii iyo goobtii ay doonta ha noqotee ay qormadaani wax uun ku biiriso habsami u socodka hawshooda.

Talo-bixin (recommendation):

  • In la sameeyo guddiyo kooban oo wada-shaqaynaaya.
  • In la raaco nidaamka fulinta mashaariicda.
  • In la xoojiyo isla xisaabtanka iyo hufnaanta.
  • In lakala saaro dadka lacagta ururiya iyo dadka fulinaaya mashruucda.
  • Adkaynta nidaamka maaliyadda.
  • In cid madax bannaani hubin iyo hantidhowr ku samayso waxii la bixiyey (External Audit).

Waxaa Qoray:

  1. Cabdishakuur Cabdirahmaan Aw Cali (Diinaari Garyare).

Email: abdishakur55@gmail.com

  • Maxamuud Ciise Yuusuf.

Email: mciise01@gmail.com

Tixraac

PM4NGOs (December 2017), PMD Pro: Project Management for Development Professionals Guide, Version 1.9.

EUROPEAN COMMISSION (, May 1999) “Project Cycle Management Training Handbook”, Version 1.0, ITAD Ltd., Lion House, Ditchling Common Industrial Estate, Hassocks, West Sussex, BN6 8SL, UK.

FMD pro (February 2018), FMD Pro: Financial Management for Development Professionals Guide, Version 1.3.

Disaster Response: A Public Financial Management   Review Toolkit (November 2019), World Bank Group

Preventing Corruption in Humanitarian Assistance, final report (July 2008), Transparency international