Soomaaliya oo deeq agab caafimaad ka heshay Turkiga si looga hortago faafidda xanuunka Koroona feyrus

Published: May 2, 2020

Wasiiradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Fawsiya Abiikar Nuur, ayaa maanta oo Sabti ah guddoontay shixnad kaalmo caafimaad oo ka timid dalka Turkiga si looga hortago xanuunka Koroona feyrus, lana xakameeyo faafiddiisa.

Safiirka Turkiga, Mudane Mehmet Yılmaz, ayaa wareejiyay kaalmada agabka caafimaad oo ay ku jiraan maaskaro , galoofyada ilaalinta leh, dareeraha gacmaha lagu nadiifiyo iyo dharka isku-joogga ilaalinta leh ee loogu talogalay xirfadlayaasha caafimaadka, waxa kale ka mid ah qalabka neef-siinta (ventilators) oo qeybta daryeelka degdegga ah ee Isbitaalka De Martino ee Muqdisho uu aad ugu baahnaa.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa uga mahadceliyay Xukuumadda iyo Shacabka Turkiga taageeradooda iyo garab-istaagooda Soomaaliya, isagoo aad u bogaadiyay kaalinta howsha bani’aadannimo ee weyn ee dunida ay ka geysanayaan xilligan oo dalalka intooda badan ay wajahayaan xanuunka dilaaga ah ee faafa ee Koroona feyrus.

Kaalmada caafimaad ee Turkiga oo huwanayd halkudhigga “rajo xumada waxaa ka dambeeya yididiilo weyn , mugdigana waxaa ka dambeeya qorax iftiin badan” ayaa ah nooceedii labaad oo muddo labo todobaad gudahooda lagu soo gaarsiiyo Soomaaliya, iyadoo la filayo in maalmo kadib Caasimadda Muqdisho ay ka degato diyaarad weyn oo sida sariiraha isbitaallada.
Turkiga waxa uu deeq caafimaad siiyay 33 dowladood oo uu ku gaarsiiyay diyaaradihiisa milatari ee xamuulka si looga hortago cudurka safmarka ah ee Koroona feyrus.

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ayaa diiwaangelisay tan iyo 16 Maarso 601 bukaan oo uu soo ritay xanuunka Koroona feyrus, oo ay ka mid yihiin 31 ruux oo bogsatay iyo 28 ruux oo u geeriyootay.

Munaasabadda lagu guddoomayay kaalamada caafimaad ee Turkiga ayaa waxaa goob-joog ka kala ahaa Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka, Mudane Xamsa Saciid Xamsa iyo Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Maxamed Cali-Nuur Xaaji.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *