Khasaaraha rasmiga ah ee roobabku u geysteen magaalada Qardho

Published: May 3, 2020

Dowladda Puntland ayaa si rasmi ah u soo saartey khasaaraha rasmiga ah ee ka dhacay mahgaalada Qardho. Wasiirka Qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah ee Puntland Cabdiqafaar Cilmi Xaange ayaa sheegay in uu soo gebageboobey baaritaan ay wadeen oo ku saasban diiwaangelinta khasaaraha ka dhacay magaalada Qardho 27-28 bishii Abril, kadib markii daadad xoog badan ku soo rogmadeen.

  • Wasiirka ayaa sheegay in magaalada Qardho ay ku nool yihiin dad gaaraya 120 000 kun oo qof, waxaana daadadku ay saameeyeen ilaa 8000 oo qoys, taas oo u dhiganta 40 000 oo qof.
  • Tirada dhimashada ee saxda ah ayaa ah 8 qof.
  • Dadka ku barakacay ee guryahooda roobabku ka saareen ayaa gaaraya 3500 oo qof.
  • Waxaa ku burburey ganacsi gaaraya 1020 goobood oo isugu jira kuwa yaryar iyo kuwa dhexe
  • Waxaa waxyeelo soo gaartey afar ceel oo magaalada biyaha siin jirey.
  • Waxaa waxyeelo soo gaartey ilaa 5 waddo oo laami ahaa.
    Waxaa dumey ama waxyeelo soo gaartey ilaa afar iskool
  • Waxaa waxyeelo soo gaartey buundada weyn ee magaalada Qardho.
  • Waxaa burburey ama qaybkamid ah dumeen guryo gaaraya 750 guri.

Warbintan ayaa noqneysa tii u horeysey ee rasmi ah ee ka soo baxda Guddiga Madaxweynaha Puntland u magacaabey wax ka qabashada xaaladda bini’aadanimo ee ka taagan magaaladaQardho.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *