Madaxweynaha Soomaaliya iyo dhigiisa Turkiga Erdogan oo khadka telefonka kuwada hadley

Published: May 3, 2020

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaaliga ah ee Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed ayaa khadka telefonka kula xiriirey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga Recep Tayyip Erdogan.

War ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la sheegay in Madaxweyne farmaajo wacay Erdogan, isla markaana uga mahad celiyey taageerada walaalnimo ee dalka Turkigu u soo direy Soomaaliya.

“.. Aniga oo ku hadlaya magaca shacabka iyo dowladda Soomaaliya, waxaan kaaga mahadcelinayaa mudane Madaxweyne iyo shacabka qiimaha leh ee Turkiga gargaarka deg-deg ah ee aad na soo gaarsiisey, taas oo naga caawineysa in aan ka hortagno cudurka COVID-19, ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Dowladda Turkiga ayaa maalintii Sabatida Muqdisho ka dejisey diyaarad nooca Milteriga ah oo sidey agabka looga hortago cudurka COVID-19.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *