Muuse Biixi oo sheegay in xaaladda COVID-19 ay ka soo dartey

Published: May 3, 2020

Madaxweynaha Somaliland ayaa maanta shir saxaafadeed ku qabtey Wasaaradda Caafimaadka, ee Somaliland, waxaana uu ka hadley xaaladda COVID-19.

Muuse Biixi ayaa sheegay in Somaliland gashey xaalad ka duwan sidii hore, kadib markii Korona fayras loogu geeriyoodey gudaha Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland wuxuu sheegay in ay muhim tahay in wax laga beddelo, ma ahan mid la idinku khasbaayo ayuu yiri ee idinka ayaa la doonaayaa in aad maqashaan waanada, oo cudurkaani waa aafo ee loo diyaar garoobo.

Madaxweynaha Somaliland ayaa soo hadal qaadey dhibaatada ka dhalatey hakinta Qaadka ee Somaliland, wuxuuna sheegay in uu aad uga naxay sida dad aad u badan ay u yihiin kuwo daroogoobey oo aad ugu xiran, waxaana uu ka dalbadey in dadku dulqaato mudada lala dagaalamayo COVID-19.

Dhanka kale Madaxweynaha Somaliland ayaa ugu baaqey culimada in ay ka noqdaan go’aankooda ah in aan la joojin jamaacaadka masaajidda la isugu imaanayo.

Xaaladda Korona Fayras ee Soomaaliya ayaa kor u sii kacdey labadii maalmood ee u danbeysey waxaana ay ku dhawdahay 800 oo kiis, waxaa u geeriyoodey dadka la hubo ee la baarey 32 qof.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *