Tirada dhimashada caalamka ee Korona ayaa gaartey 250 kun oo qof

Published: May 3, 2020

Xaaladda Korona Fayras ee caalamka ayaa gaartey 3.5 milyan oo kiis, halka dhimashadu ay ku dhawdahay 250 kun oo qof, sida laga soo xiganayo jaamacadda Johns Hopkins. Mareykanka ayaa weli ah dalka dhibaatada ugu badan soo gaarey, oo in ka badan 1.3 milyan oo xaaladood laga helay halka ay u geeriyoodeen 66,385 ay u dhinteen.

Dalalka uu sida weyn u saameeyey qaarkood ayaa kordhiyey mudada bandowga, waxaana qaarkood ay gaarsiiyeen ilaa bisha Luulyo.

Dhanka kale maalqabeenka weyn ee Maraykanka ah Warren Buffett ayaa iibiyey saamiyadii uu kulahaa shirkadaha duulimaadka ee Maraykanka. Warren Buffett ayaa sheegay in ADUUNKU ISBEDALAY kadib Korona fayras. Shirkadda uu lee yahay maalqabeenka Warren Buffet ee Berkshire Hathaway ayaa khasaartey 50 bilyan oo dollarka Maraykanka ah, afartii bilood ee la soo dhaafey sida ay qortey reuters.

Korona Fayras ayaa saameyn weyn ku yeeshay dhaqaalaha caalamka, waxaana la aaminsan yahay in adduunku aanu noqon doonin sidii uu ahaa bilo ka hor.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *