Wafti ka socday DFS oo booqasho 1 maalin ah ku tagay Magaalada Qardho.

Published: May 3, 2020

Wafti ka socda Dawlada Federaalka ah ee Soomaaaliya oo isugu jirra Wasiiro iyo xildhibaano ayaa booqasho hal maalin qaadatay ku yimi Magaalada Qardho oo dhawaan ay saameeyeen daad ka dhashay roobab xoog leh oo da’ay.

Wafti ayaa booqasho iyo indh-indhayn ku tagay dhamaan goobaha ay biyuhu waxyeeladu u gaystaan, Sidoo kale waxay qiimeeyeen khasaaraha hantiyeed ee ka dhashay daadadka Xooga leh ee magaalada ku fatahay.

“Waxaan maanta gaarnay Magaalada Qardho aniga oo hogaaminaya wafdi ay dowladda Soomaaliya u dirtay in ay kormeer qiimeyn ah ku sameeyaan wax yeeladii ay geysteen roobabkii ka da’ay Qardho iyo daadadkii ku soo rogmaday magaalada” Ayuu yiri Wasiirka Qorshaynta DFS oo waftigahaan hogaaminayay.

“Waxaan qiimeynta kadib la kulannay Madaxweynaha Puntland Mudane Saciid Deni iyo masuuliyiin kale, oon ka wada hadalnay, talaabooyinka uga dhaqsiyaha badan ee aan wax uga qaban karno dhibaatooyinka nololeed, barakac, dhaqaale, iyo caafimaad ee ka dhalatay daadadka” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Horseed Media 2020

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *