Mike Pompeo oo sheegay in ay caddeymo hayaan in Corona-virus ka yimid Shaybaar Shiinaha ku yaal

Published: May 4, 2020

Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka Mike Pompeo ayaa maalintii Axadda sheegay in ay hayaan caddeymo muujinaya in coronavirus lagu diyaariyey Laabarotori ku yaala Shiinaha. Mike Pompeo ma keenin wax xoojin kara sheegashadiisa.

“Waxaa jira caddaymo aad u weyn oo sheegaya in meesha uu ka bilowday,” wuxuu raaciyey, “Waxaan kuu sheegi karaa inay jirto caddeymo badan oo markhaanti u ah in coronavirus ka yimid sheybaarkaas ku yaala magaalada Wuhan.

“Look, the best experts so far seem to think it was manmade. I have no reason to disbelieve that at this point,”

“Eeg, khubarada ugu waqnaagsan ilaa iyo haatan waxay ula muuqataa inay tahay (coronavirus) wax la sameeyay. Ma jirto sabab aan ku diido taas, xaqiiqaduna waa sidaas”ayuu yiri.

Waxaa muuqata in Maraykanku dagaal dhinacyo badan ah la geli doono Shiinaha haddii xaaladda haatan lagu jiro laga baxo, taas oo caalamka ka dhigi karta mid aad uga duwan sidii uu horey u ahaa.

Korona Fayras ayaa lagu arkey suuq lagu gado cunnooyinka badda laga soo saaro, waxaana markii ugu horeysey la arkey dhamaadkii 2019, Shiinaha ayaa lagu eedeeyaa in aanu caalamka uga digin khatartan.

Korona fayras ayaa laga heley dad ka badan 3.5 Milyan ee caalamka daafihiisa ku kala nool, waxaana ilaa hadda u geeriyoodey dad gaaraya 250 kun oo qof.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *