Turkiga oo diyaaradii saddexaad oo gargaar ah Soomaaliya keenay

Published: May 4, 2020

Wasiirka caafimaadka, iyo Wasiiru dowladaha arrimaha dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa safiir ku-xigeenka Turkiga ee Soomaaliya ka guddoomaya qalab caafimaad oo dowladda Turkigu ay ugu deeqday dowladda Soomaaliya.

Gargaarka ay dowladda Turkigu soo gaarsiisay dowladda Soomaaliya oo ah qaybtii labaad waxaa siday laba diyaaradood,  waxaana kamid ah sariiraha loo adeegsado qolalka xaaladaha deg-degga ah iyo Labiska shaqaalaha caafimaadka iyo qalab kale oo dhammaan xilligaan loo qabay baahi xooggan.

Wasiirka caafimaadka iyo wasiiru dowladaha arrimaha dibadda ayaa dowladda Turkiga uga mahad celiyay taageerada iyo garab istaagga joogtada ah ee dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay la garab taaganyihiin, iyo gurmadka degdegga ah ee xilliyada xaaladaha adag ay soo cusboonaadaan.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *