AMISOM oo soo dhaweysey baaritaanka wada jirka ah ee Somaliya, Kenya iyo Itoobiya ee diyaaradda burburtey

Published: May 5, 2020

War ka soo baxay AMISOM ayaa lagu sheegay in Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya soo dhaweynaayo baaritaanka wada jirka ah ee diyaaradii ku burburtey Berdaale maalintii Salaasada.

Diyaaradda oo ay lahayd shirkadda African Express Airways ayaa ka duushey magaalada Baydhabo, waxay sidey agab caafimaad iyo lix qof oo isugu jira shaqale iyo rakaab, waxay ku burburtey meel ku dhaw Berdaale gobolka Baay oo ahayd halkii ay u socotey.

Howlgalka Midowga Afrika ayaa soo dhoweynaya go’aanka ay gaareen hoggaamiyeyaasha Soomaaliya, Kenya, iyo Itoobiya ee ku saabsan baaritaanka shilka. Madaxa howlgalka AMISOM, Danjire Francisco Madeira, ayaa yiri “Waxaan rajeyneynaa inaan sii wadno wada shaqeynta aan la leennahay dowladaha Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya, waxaanan taageeri doonnaa oo aan fududeyn doonnaa baaritaannada looga golleeyahay in lagu caddeeyo waxa sababey dhacdadan.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *