EU oo qabetey shir dhaqaale loogu ururinaayo talaalka Coronavirus, Maraykanka iyo Ruushka oo diidey.

Published: May 5, 2020

Shir loo adeegsadey fiidiyowga oo ay hoggaamineyso Midowga Yurub ayaa lagu ururiyey 7.4 bilyan oo Euro kaas oo lagu hormarinaayo talaalka Korona Fayras. Shirka waxaa ka qaybgalay hoggaanka dalalka EU,da Japan, Norway iyo Kanada, waxaana ay ku ballan qaadeen in ay dhaqaale badan ku bixinayaan hormarinta talaal si wada jir ah loo soo saaro, kaas oo xitaa loo qaybin karo dalalka soo koroya.

Dalalka awooda leh sida Maraykanka, Hindiya iyo Ruushka ayaa diidey in ay ka qaybgalaan shirka Fiidiyowga loo isticmaaley, waxaana ay go’aan ku gaareen in ay mashruucan banaanka ka joogaan. Dalka Shiinaha waxaa u metalaayey Safiirka u fadhiya Midowga Yurub.

Madaxa hay’adda Caafimaadka Adduunka Dr. Tedros Adhanom ayaa soo dhaweeyey natiijada shirka ka soo baxdey.

Marka talaalkan soo baxo ee la hormariyo, waxaa loo qaybin oo fursad iyaguna u helaaya dalalka saboolka, si siman.

Lacagta ayaa loo adeegsan doonaa in lagu isku dubbarido mashaariic kala duwan oo tallaal ah iyo in la hubiyo in shirkadaha dawooyinka ay u qaybiyaan tallaalka dalalka saboolka ah.

Coronavirus oo dilaacay dhamaadkii sanadkii 2019 ayaa gallaaftey nolosha dad kabadan 250 kun oo qof, waxaana uu ku dhacay 3.5 milyan oo qof, Coronavirus ayaa isbeddel aan noociisa horey loo arag ku ridey caalamka.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *